Deeq A. Posted December 4, 2018 Kismaayo ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa mar kale ku celiyay in ay xoojinayaan qorshaha lagu xoojinayo ammaanka deganaanshaha Soomaaliya. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francesco Madeira ayaa xusay in ay wadaan qorshayaal lagu soo celinayo amniga dalka. Mr Madeira ayaa intaasi ku daray in guul laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ay ku xiran tahay dadaal dheeraad ah oo ka yimaada AMISOM iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Wakiilka ayaa hadalkan dhawaan ka jeediyay musaabad ka dhacday M/ Kismaayo oo AMISOM ay saldhig cusub oo Booliis ku wareejiyeen maamulka Jubbaland Mashruuca lagu dhisay saldhiggaasi ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Denmark iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Madaxa Booliika AMISOM ee Soomaaliya oo dhinaceeda ka hadashay munaasabaddaasi ayaa xustay in ay kordhin doonaan dhismaha saldhigyada Booliska ee dalka iyo tababarada Ciidamada Booliska ee Soomaaliyeed. Ururka Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in Soomaaliya uu ka caawin doono dhinaca dhismaha Ciidamada Xoogga, si ay DFS ula wareegto ammaanka dalka The post Midowga Afrika Oo xoojinayo taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites