Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomalaiyeed.

Gaariga uu watay Wariyaha ayaa qarxay, xilli uu maray xaafadda March degmada Waabari ee gobolkan Banaadir.

Wararka qaara ayaa sheegaya in qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray Wariyaha,islamarkaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaaladda Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi.

Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah gobolka Banaadir.

The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this