Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal: Xasan Daahir oo Al-Shabaab ku taageeray dilkii Cabdi Weli Cilmi Yare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay weerarkii lagu dilay Cabdiweli Sheekh Cilmi Yare ee magaalada Gaalkacyo, isagoo bogaadiyey tallaabadii ay Alshabaab ka qaadeen.

Sheekha oo muuqaal soo duubay, isagoo xabsi guri uga jira dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Alshabaab ku raacsan yahay tallaabadii ay ka qaadeen Sheekh C/weli, isagoo dhinaca kale sheegay in khaladaadkooda leeyihiin.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aanadii culimada Soomaalida ka qaateen wadaadka reer Gaalkacyo iyo xukunka laga qaatay ee ahaa inuu ka baxay diinta iyo cidda fulineysa.

Halkaan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this