Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Wixii xunba Xamaraa leh

Recommended Posts

Camey: Aniga Xamar laygama soo dirin, Cabdiweli isagaa iga dhow Farmaajo

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa diidday in dowladda federaalka ay door ku leedahay khilaafka ka taagan guddiga anisxinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamaanka Puntland, kaddib markii labo guddi oo iska soo horjeeda ay magacaabeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

"Xamar nin  ku xiran ma ahi , anigana ma ahi nin u socda dowladda federaalka oo jago ka raadsanaya ama wax ka doonaya, ee xamar umadda reer Puntland ayaa lagu jahwareerinaya," ayuu yiri Eng Camey oo inta raaciyay. "Cabdiweli toddobaadkii inta ay iswacaan isaga iyo Farmaajo xisaab maleh saacad walba ayay wada-hadlaan... Haddii cid lagu xaglinayo iyagaa saaxiib ah,iyagaa isxiga ,iyagaa ilaa Mareykanka wada socday".

"Aniga arrimaha aan ka hadlo wadaniyada iyo Soomaali jacel ayaa igalisay," ayuu ku daray madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo warbaahinta gudaha ay waydiisay sababaha uu uga soo horjeesan jirey shirarkii uu hormuudka u ahaa Cabdiweli Gaas, ee madasha dowladgobolleedyada.

Gabagabadii waxa uu sheegay in khilaafka taagan waxa kaliya ee lagu xallin karo ay tahay in laga wada hadlo magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka,iyadoo khilaafka ka taagan magacaabiista guddiga loo diiwaangaliyay markii ugu horreeysay oo Puntland madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa ay magacaabaan labo guddi oo iska soo horjeeda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this