Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka inaga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamo lagu kala kacay uu dhacayey Saacadihii lasoo dhaafay oo udhaxeeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa ka biyo diiday inuu sharci ka dhigo kala diristii Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka,Inuu tartami Karin Mukhtaar Rooboow oo Dawladu diidan tahay balse Mursal uu kasoo horjeedo qadiyadaas iyo Ciidankii la geeyey Baydhabo oo lagu murmay qudhooda.

Madaxda Dawlada ayaa waxay seddexdaas Qodob sida uu uga istaagay Maxamed Mursal aysan ku qancin waana mida keentay in lagu kala tago kulamadii dhacay.

Ma jirto warbaahinta Xog ay heshay intaan ka badan,waxaase la helay akhbaar hoose saraakiisha Xafiisyada Madaxda ka shaqeysa oo xaqiijiyey in la isku mari waayey kulamadii dhacay.

Afhayeenka Golaha Shacabka waxa uu ku cel celinayaa inuusan ku qancin kala diristii gudiga Maaliyada Golaha Shacabka isagoo ku adkeystay inay shaqadooda sii wataan,xilli R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ay taas ka biyo diidan yihiin.

Ambassador Mursal ayaa Mar soo noqday Wasiirkii Difaaca Dalka ka hor inta Gudoomiyaha Golaha Shacabka loo dooran,kuna darso oo Xilkaan inuu helo waxaa usahlay R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo,lamana oga sida uu xaalka noqon karo hadii khilaafka sii socdo.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this