Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kusoo kordhay Kiista Silvia Romano oo Al Shabaab Afduubteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay afduub haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga loogu geystay dalka Kenya, waxaana hadda xabsiga la dhigay seddex ruux oo lala xiriirinayo inay kiiska wax ka ogaayeen.

Wargeyska Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in seddex ruux oo Soomaali ah loo xiray afduubka haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga oo Al Shabaab la rumeysan yahay inay ku heystaan keynta Boni ee dalka Kenya.

Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno oo dhamaantood loo heysto falka haweeneyda lagu afduubtay ayaa la sheegay inay maxkamad kasoo muuqanayaan.

Seddexda eedeysane ayaa maxkamadda waxay amartay in xabsiga lagu hayo ilaa bartamaha bishaan si baaritaan loogu sameeyo lana ogaado waxa ay ka ogaayeen kiiska afduubka haweeneyda.

Eedeysanayaasha waxaa loo heystaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-keedii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

Silvia Romano oo macalimad aheyd ayaa laga afduubtay deegaanka Chakaka ee gobolka xeebta, waxaana socda dadaalo lagu badbaadinayo haweeneydaasi.

Talyaaniga ayaa shaaciyay maalin ka hor inay doonayaan in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, waxaana Kenya ay dooneysaa in xoog Al Shabaab looga soo furto haweeneyda ay afduubteen.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this