Deeq A. Posted December 4, 2018 TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 3AAD Ma ogtahay in LIBERLAND caawa ay haysato lacag dhan 140,000,000$ boqol iyo Afartan milayan oo doolar, Halka Somaliland caawa ay dayn ku jirto. Ma ogtahay in Miisaniyada LIBERLAND ee sanad kan 2018 si saafi ah u soo xidhantay, Halka miisaniyada Somaliland ee sanadkan 2018 cajisi wayni ku jiro. Ma ogtahay in miisaaniyada LIBERLAND ee ictiraaf raadintu ka badan yahay miisaaniyada 7 wasaaradood oo SOMALILAND ah. Ma ogtahay in miisaaniyada safaaradaha ama xafiisyada dibada ee LIBERLAND ka badan yahay Miisaaniyada wasaarada Arimaha dibada iyo dhamaan safaaradaha ama xafiisyada Somaliland ku leedahay dibada. Ma ogtahay in Dublumaasiyiin ka shaqeeya sadex safaaradood oo LIBERLAND ah inay ka badan yihiin dhamaan Diblumasiyiin ka shaqeeya saraafadaha Somaliland oo dhan. KAAF IYO KALA DHEERI Maihi nin ku faraxsan daynta uu dalkeenu ku jiro, Ma ihi nin ku jees jeesaya jiitanka ictiraaf raadinta qaranka ee waxaan u jeedaa dhiiri galinta dadkeena, dalkeena, Dawladeena, iyo siyaasiyiin teenan iyagu isku mashquulsan, ee marka ictiraaf raadinta lasoo qaado sidii qarandida dhulka eegaya iyaguna is eegaya. Dariiqii Dawladnimo Qaran-nimo iyo ictiraaf raadin mahayno ee waynu canjilaynaa, Qaar kamida Aduun waynuhu waxa inoo arkaan :- -( BEELO WADA DAGAN OO SIYAAD BARE KA RAYSTAY NABADANA DUGSANAYA)- La soco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD oo ka hadlaysa badka ama masaaxada dhulka LIBERLAND ee dhan 7km2 Amb Ahmed Safiina Qaran News Share this post Link to post Share on other sites