Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xiisad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa ka dhalatay dil shalay degmadaasi loogu geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda, kaas oo kooxihii dilay ay Qoriga horay uga qaateen.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa saaka lagu arkayaa qeybo ka mid ah degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamadu dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo kan Beled-Xaawo oo ku aadan xiisadaasi.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal  uu ka qarxo halkaasi.

Ammaanka Beled-Xaawo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid kacsan, iyadoona Al Shabaab siyaabo kala duwan ay dilal uga geysteen degmadaasi.

The post Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Beled-Xaawo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this