Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo xukumay nin loo heysto in Soomaali uu geeyay dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

New York ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah oo gaaraya 4 sano ku riday Veronica Ofelia, kaas oo loo hesyto in dalkaasi uu si sharci darro ah ku soo galiyay dad ay ku jiraan kuwa Soomaali ah.

Xeer ilaaliyaha gobolka Texes ee dalkaasi ayaa sheegay in ninkani iyo sidoo kale 5 qof oo ahaa Shabakad isku xiran ay ku lug lahaayeen howlo sharci darro ah oo ay dadka Lacago badan uga qaadan jireen, si ay u soo galiyaan gudaha Mareykanka, yagoo soo dhaafsiinaya xadka Mareykanku uu la wadaago dalka Mexico.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in kooxdan howlahani ay soo waday, tan iyo sanadkii 2007-dii, ayna soo galiyeen Mareykanka dad ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Romania, Eritrea, China, Macedonia,  Honduras, El Salvador iyo Mexico.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horay uga mamnuucday dalkaasi in ay tagaan Muwaadiniinta dalal ay ka mid tahay soomaaliya.

The post Mareykanka Oo xukumay nin loo heysto in Soomaali uu geeyay dalkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this