Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Markii Ciidammo Ay Ku Weerareen Hoygiisa Mustaafuris Iskiis U Galay Oo Dib Ugu Laabanaya Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhowaan dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, kaddib bilo uu ka maqnaa.

Warsame1.jpg

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo iskiis u galay musaafuris, kaddib markii Ciidamada Amniga ay ku weerareen hoygiisa sanad ka hore, isla markaana ay dowladda Federaalka xabsiga dhigtay ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay dooneyso in Soomaaliya dib ugu soo celiyaan maalmihii madoobaa ee hore.

Mr Warsame oo wareysi siiyay Wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay tahay mid dooneysa inay dib u soo celiyaan aragtidii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, si uu u xuso sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii dowladda Federaalka ay xabsi dhigtay, kaddib howl gal lagu qaaday hoygiisa oo dhacay 17 September, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa.

“Waxaan ahay Hoggaamiye Xisbi mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaloiya, Waxaa i soo weerartay in ka badan 20 Saraakiil Amniga, kuwaasi oo dilay 5 ka mid ah Shaqaalaheyg”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo la hadlay Wargeyska The Standard.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in maalmo uu ku qaatay Xabsiga, waxaana uu ku dooday in Saraakiisha Sirdoonka aysan Maxkabadda u gudbin xitaa hal caddeyn ah oo muujinaya dambiga lagu soo xiray.

Hase ahaatee Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa ku eedeysay in Siyaasigan uu ku howlanaa fal qaran dumisnimo iyo eedeymo kala duwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this