Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Xarunta Xalane oo shaqaalaha Somalida ah oo diiday iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay qeybta Xalane ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho loo diiday dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee halkaasi ka shaqeynayay.

Shaqaalaha ayaa qabta shaqooyinka dhismaha guryaha laga dhiso xarunta Xalane, kuwo dib u habeynta lagu sameeyo iyo shaqooyin badan, laakiin maalmihii ugu dambeeyay waxaa Shaqaalahaasi gabi ahaanba laga joojiyay gelida garoonka diyaaradaha.

Warar Caasimadda Online ay heleyso ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka ay saameyn ku yeelatay mashaariic shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka iyo kuwo xiriir la leh  ay ka wadeen xarunta Xalane.

Shirkadda Dhismaha ee DEEQA oo aheyd shirkad ay u shaqeeyaan shaqaale badan, kana shaqeysa dhismaha guryaha laga hergeliyo xarunta Xalane iyo dib u habeyn gaadiidka, ayaa kamid ah shirkadaha ay saameysay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Shirkadaasi ayaa gabi ahaanba shaqaalaheeda loo diiday inay gudaha garoonka galaan, waxaana lagu amray ciidamada AMISOM inay celiyaan shaqaalaha shirkadda iyo shirkado kale.

Waxaa Shirkadda DEEQA horey masuul kaga ahaa nin lagu magacaabo Eng Eenow, balse waxaa la sheegayaa in masuuliyadda lagu wareejiyay Khadiijo Cosoble oo la dhalatay C/Qaadir Cosoble oo mucaarad ku ah xukuumadda.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta shaqaalaha Soomaaliyeed oo aanan qaadan mushaarka bishii Dhamaatay ee November looga joojiyay shaqada ay ka hayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale shaqaalaha qaar oo loo sheegay inay Bishaan December Fasax yihiin looma sheegin waqtiga ay shaqadooda kusoo laaban karaan.

Hadal uu Shalay jeediyay C/qaadir Cosoble ayaa u muuqday mid iftiiminayo arintaan “Xukuumadda waxay ku caanbaxday Maquunin, Handadaad iyo Musuq Maasuq”ayuu yiri C/qaadir Cosoble.

Xiisadaan ayaa wali ka taagan xarunta Xalane, waxaana la ogeyn sida Xaalka uu noqon doono, waxaana hadda shaqada laga joojiyay inka badan 300 oo shaqaale Soomaaliyeed ah oo lagu wargeliyay in ciidamada AMISOM isbadal lagu sameynayo, bisha December-na ay fasax yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this