Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas Oo Lagu Eedeeyey Kala Daadinta Ciidanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa eedeymo u soo jeediyay madaxweynaha iminka talada haya ee Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Musharax Siciid Cabdulaahi Deni oo u taagan Xilka Madaxwayne ee Puntland ayaa isaga oo lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe Xarunta Puntland, wuxuuna ka hadlay Xaalada Guud ee dalka iyo Arimaha Puntland.

Deni ayaa eedaymo kala duwan usoo jeediyey Xukuumadda C/wali gaas, wuxuuna sheegay inaanu ku guulaysan horumarinta Puntland.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay inuu Gaas kala daadiyey Ciidankii puntland.

 C.wali Gaas inta uu nayiri Laascaanood Faataxo laguma qabsan ayuu Tukaraq bixiyey

Puntland ayaa wajahaysa doorashada madaxweyne, waxaana jira musharraxiin badan oo xilkaasi isku soo taagay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this