Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo dad lagu soo qabtay Oo laga sameeyay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Netwotk )-Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska maamulka K/ Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi.

Illaa 10 Ruux oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlghalladaasi, kuwaas oo looga shakisan yahay falalka amaan dari ee ka dhaca halkaasi

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe qarax ay waxyeelo ka soo gaartay Xildhibaan ka tirsanaa Koonfur Galbeed uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafadda Wadajir magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi.

The post Howlgallo dad lagu soo qabtay Oo laga sameeyay Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this