Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Mudane Carlo Campanile, Safiirka Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo carabka ku adkeeyay qoto dheerida xiriirka istiraatiijiyadeed, waxa uu carabaabay rajada uu ka qabo in la horumariyo iskaashiga laba dhinaclaha ah si loogu adeego dano wadaagga labada dal iyo waxyaabaha ka qeyb qaadanaya horumarka iyo barwaaqada laba shacab.

Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogtayn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta.

The post Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo ka wada hadlay xiriirka labada dal appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this