Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah guddigii uu magacaabay Camey oo ka soo horjeestay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegayaa in qaar kamid ah xubno uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ka soo horjeesteen magacaabistaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa xalay magacabay xubno uu ku sheegay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka,isagoo ka hor yimid guddigii uu shalay magacaabay madaxweyne Gaas.

Magacyada 8 xubnood oo Camey magacaabay ayaa waxaa ku jira Nabaddoon Khaliif Awcali,waxaana wararka haatan ka imaanaya Garoowe ay sheegayaan in Nabaddoonku uu mar dhow shir jaraa’id halkaasi ku qaban doono,isagoo ka horjeesan doona magacaabista Camey.

Sidoo kale ilaa 3 xubnood oo ka tirsan guddiga uu magacaabay mudane Camey ayaa la soo sheegayaa in ay diideen,waxaana la filayaa in ay saxaafadda la hadlaan.

Wixii ka soo kordha kala soco PUNTLAND POST

The post Qaar kamid ah guddigii uu magacaabay Camey oo ka soo horjeestay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this