Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabdho Soomali Ah Oo Ku Dhintay Magaaladda Ohio Ee Dalka Maraykanka Iyo Kiiska Geeridooda Oo La Badhaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ohio)Ciidamada Booliska Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waddo Baadhitaano  ku aadan geeridda Labo Gabdhood oo Soomaali ah oo la sheegay in ay ku dhinteen Shil gaadhi.

C75FC9B7-A6A9-44E6-9A2B-4F0BF1C5257A.jpe

Amaal Maxamed , Anisa Maxamed oo ahaa labo Gabadhood oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay  Amina Maxamed oo la dhalatay labadda Gabdhood ee geeriyooday.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee goobta uu falku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in Gabadhaha ay geeriyoodeen ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen oo xowli ku socday uu ku dhacay Gaari kale, waxaana sidoo kale jira dad kale oo ay waxyeelo soo gaartay.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay Markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.

Dhawaan ayay aheyd Markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this