Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadaalada Somalida..W/Q Barkhad-Ladiif M. Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa wadaad dhallinyaro ah oo waliba ku darsaday macalin quraan, ayaa nin aanu saaxiibnahay ka dalbaday inuu u galbiyo gabadh uu guursaday oo uu aroosayo, ninkii aanu wada soconay baa ku yidhi ma gabadh labaad baad guursatay oo aad hoynaysaa, Haa buu ugu warceliyey, haseyeeshee wiilkii laga dalbanayey inuu habeenkaasi arooska la shaqeeyo ayaa ku gacan saydhay oo diiday in aanu dulmi ka galeen gabadhii hore ee markii horaba dulmanayd.
Aniga wadiiyey sababta uu u diiday ee uu u caawin waayey wiilka arooska ah, waxa uu igu yidhi “ waar ninkan wadaadka ahi wuxuu

lahaa xaas iyo caruur wuxuu igu odhan jirey caruurta jawaan shuura ah uun baan u dhigaayo oo saddexda wakhti cunaan, bal kuwii hore oo dayacan oo dhaqaale la’aan uu u siinayey shuuradda saddexda wakhti ayuu tu kale ka daba keenayaa oo iyadana cadibayaa, caruurtiisa hore nafaqo daro haysataa oo macaluulsab oo haweenay kale soo kalifayaa maxaan ula shaqaynayaa, waa inkaar waxaasi.
Anigoo kaas la yaaban oo dheguhu I taagan yihiin ayaa nin kale oo aanu saaxiibnahay sheeko tan oo kale ah iga sheekeeyey, waxa uu yidhi “waar nin aanu jaarnahay oo wadaad ah oo gabadh fiican qabay ayaa ninkeedii ku tidhi “ waar anna gurigii hooyaday aan iska tago adna lacagta mushaharka hagbad inoogu gal si aynu dhul yar u iibsano oo jiingad uga samaysano, kiro ku jiri maynee, markii dambe waxay heshay madarasad uu dhigi jirey qolkii waashmaanka oo ka banaan ayuu ninkii lahaa madarasad yidhi qolkaasi iska gala intaad meel kale helaysaan, ka dib gabadhaasi shan caruur ah ayey lahayd waxay heshaba way ururin jirtay iyadoo ku hamiyeysa jago yar aad iibsataan, markii lacagtii ururtay ee uu hagbaddii qaatay ayuu gabadh kale ku doonay, muddo ka dib way ogaatay, dee muraaro dilaac oohin mooyee wax kale waa laga waayey, waxay ka ooyeysay siday caruurteeda gaajada ugu dishay ee ay u doonaysay inay wax u korodhsato iyo siday ninkii ay aamintay lacagtii ay u ururisay gabadh kale ugu guursaday.”
Waxa laga yaabaa caruurta bariiska qalalan la siinayo inuu isagu hoteelada ka cuni jrey qadadda hilib, aroortiina beer, isagoo dharagsanna cunta caruurta la taabtaaban jirey isagoo leh cuntada waa la suneeya ee lagama dhergo, hada waa nin soo dhergay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this