Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Sh.M.Network) – Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax Miino uu ka dhacay guri ay xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo kaga sugnaayeen Xilldhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad iyo 8aad ee dalka.

Xilldhibaanada ku dhaawacmay qaraxa ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Madkeer iyo Yuusuf Sheekh.

Sidoo kale, askar ilaalo u ahayd Xilldhibaanada ayay wararku intaasi ku darayaan inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda qaraxyadani oo kusoo aadaya xili magaalada Baydhabo lagu wado inay ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada nabad-gelyadda ee dowlad goboleedka oo meesha ay wax ka dhaceen tagay ayaa sheegay inay ku dabajiraan kooxihii ka dambeeyay.

The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this