Deeq A. Posted December 3, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya duqayn diyaaradeed oo ka dhacday tuuladda Ganuribad oo ku taala nawaaxiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Weerarkaan cirka ah oo aanan la ogayn halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay ayaa beegsaday goobo lagu tuhmayo inay joogeen xubno AlShabaab ka tirsan. Masuuliyiinta gobolka ayaa xaqiijiyay jiritaanka duqaynta, iyaga oo ka gaabsaday inay shaaciyeen khasaaraha. Dadka degaanka ayaa dhinacooda soo tabiyay inay maqleen daryenka Gantaalo, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay dhowr xabo. Duqayntaan ayaa waxay kusoo aadaysaa xili maalmihii lasoo dhaafay uu Mareykanka kordhiyay howlgalada uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Fahfaahino laga helayo duqayn ka dhacay G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites