Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho ka dhacay degmada Yaqshiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxo hubaysan ayaa xaafada Tawfiiq ee degmada Yaqshiid ku dishay marxuum Cabdirashiid Sheekh Cabdi [Iidle], kaasi oo ahaa madaxii wacyigelinta ee ururka ka hortaga cudurka HIV Aids-ka.

Dilka ayaa dhacay gaalabnimadii Isniinta maanta ahayd, sida ay idaacada Shabelle u xaqiijiyeen illo wareedyo dadka degaanka ah.

Dableyda ayaa goobta ka baxsatay falka kadib, sida aan wararka ku helayno, mana jirto ilaa iyo iminka cid dhabarka saaratay masuuliyada.

Dilka loo gaystay marxuum Iidle ayaa imaanaya xili dadka la nool cudurkan ay dhowaan cabasho ku muujiyeen munaasabad lagu xusayay maalinta HIV Aids-ka oo ku beegan 1-da bisha December.

Dad la nool cudurkaasi ayaa ku doodaya in laga xirtay xarun ku taala degmada Yaqshid ay ka heli jireen dawooyin kaalmaati u ah xanuunka haya.

The post Toogasho ka dhacay degmada Yaqshiid appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this