Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaasaska Al-Shabaab oo dib ugu laabanaya Beled Xaawo & sababta keentay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in xaasaskii Al-Shabaab ee dhawaan laga saaray degmadaasi  ay dib ugu soo laabteen.

Arintan ka dambeysay kadib markii ay kulan yeesheen Odayaasha dhaqan degmada Beledxaawo iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Odayaasha iyo Shabaab ayaa waxaa ay ka wadahadleen ay culeyska ka dulqaadaan shacabka ku dhaqan degmada, islamarkaana ay xaasaskooda ay dib ugu soo celiyaan degmada is loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhacaya Degmadaasi.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in La badali doono Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo, sida ay sheegayaan warar aan heleeno.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii Maamulka degmada Beledxaawo ay Tabasho ka muujiyeen shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay go’doomineyso Beled-Xaawo haddii aan laga laaban go’aankaan xaasaskooda looga saaray degmadaas.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Maamulka degmadaas ku cadaadinayey inay go’aankaas ka laabtaan maadaama ay hanjabaad kala kulmayaan Kooxdaas.

Xaasaaska iyo Carruurta Al-Shabaab ayaa dhawaan magaaladaas laga saarayo iyadoo ay dadka deegaanka isku khilaafsanayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this