Sign in to follow this  
Deeq A.

Macawiisleyda oo weerar culus oo dhimasho leh ku qaaday Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Dhexe aya sheegaya in kooxda Macaawiisleey oo ah koox ka dhisan Shabeelaha Dhexe ay weerar ku qaadeen saldhig Al Shabaab ku leeyihiin Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa kooxda Macaawiisleey waxay ka geysateen deegaanka Guulane oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado qaatay.

Xubno ka tirsan kooxdaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in iyaga ay qaadeen weerarka oo saacado socday, waxaana dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac kala gaaray.

Wuxuu sheegay in weerarka gaadmada ay ku dileen labo sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo u qaabilsanaa ururinta Zakawaadka iyo maaliyadda, sida uu hadalka u dhigay sarkaalka u hadlay kooxda Macaawiisley.

Ma uusan sheegin magacyada saraakiisha ay ku dileen deegaanka Guulane ee gobolka Shabeelaha Dhexe, balse dhankooda ayuu sheegay inay askar kaga dhaawacmeen dagaalka.

Bilooyin ka hor kooxdan ayaa si iskood ugu dhawaaqay inay la dagaalamayaan Al Shabaab, waxaana taageero ay ka helayaan maamulka Hirshabeelle iyo xildhibaanada deegaanka ee dowladda ku jira.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this