Sign in to follow this  
Deeq A.

Xalad kacsanaan ah Oo ka taagan magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemnayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamo fara badan ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Sida uu soo warinayo Wariyaha Shabelle ee Baydhabo Maslax Raage Ciidamadaasi ayaa waxaa ku jira cutubyo ka tirsan kuwa IItoobiya oo la dhigay gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Askar kale oo ay wataan qaar ka mid ah  Musharraxiinta lagu arkayo qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa wal wal weyn ku beertay dadka deegaanka oo ka cabsi qabo in xiisado hor leh ay ka dhashaan Ciidamadaasi.

19 bishan December ayaa la filayaa in la qabto doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 10 Musharrax.

The post Xalad kacsanaan ah Oo ka taagan magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this