Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa NISA Oo lagu dilay Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS lagu dilay magaaladaasi.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed, waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askarigani loo dilay Qorigii uu watay dartiis, kaas oo ay horay uga sii qaateen Dableydii ka dambeysay dilkiisa.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dikaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka M/ Beled-Xaawo oo ku aadan dilkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan saraakiisha amnigu ka hadlin baaritaanadaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa gudaha magaalada Beled-Xaawo ka dhacayay falal amaan dari oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo weeraro intaba.

The post Askari ka tirsanaa NISA Oo lagu dilay Beled-Xaawo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this