Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabdho Soomaaliyeed Oo ku Geeriyooday shil ka dhacay gudaha dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Columbus ( Sh. M. Network )-Gabdhahani Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed ayaa ku Geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah  ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi.

Sidoo kale waxaa shilkan ku dhintay Qof Saddexaad oo magaciis lagu sheegay Gabriel Reid.

Ehellada Gabdhahaasi oo walaalo ahaa ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray Gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo iyaduna la dhalatay Gabdhaha Geeriyooday.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa si weyn uga naxay Geerida Gabdhahaasi Soomaaliyeed oo ahaa kuwo da’ yar ah.

Dhawaantaan ayey ahayd markii meel War ah oo ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota laga helay Meydadka 2 Gabdhood oo Soomaali ah, kuwaasi oo aan illaa iyo hadda la ogeyn waxa sababay Geeridooda.

The post Gabdho Soomaaliyeed Oo ku Geeriyooday shil ka dhacay gudaha dalka Mareykanka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this