Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug Oo dhaq dhaqaaqyo ka bilowday Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Galmudug ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay M/ Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi.

Ciidamadani oo aad u badan ayaa lagu arkayay xaafado ka tirsan Dhuusomareeb, iyagoona fariisimo cusub ka sameystay qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay ka qeyb qaadaan doonaan xaqiijinta amniga iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa howlgallo xoogan ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

The post Galmudug Oo dhaq dhaqaaqyo ka bilowday Dhuusomareeb appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this