Deeq A. Posted December 3, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Iyadoo maanta loo dabaal dagayo maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa waxa ay Naafada Soomaaliyeed ka cabanayaan dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan bulshada. Qaar ka mid ah dadka Naafada ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in tacadi weyn loo geystay saakay, kaddib markii meel lagu xareeyay, la’iskuna Sawiray, iyaga oo aan waxba la siin. Sidoo kale waxa ay tilmameen in magacyo xun xun loogu yeero dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo aysan raali ka aheyn. Dhinaca kale war ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Naafada ah. “Caawinaad dhab ah iyo qadarin ayey u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee qaba baahiyaha gaarka ah” ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Qaramada Midoobay. In ka badan 1 Billion oo Qof ayaa lagu sheegay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasi oo 80% ay ku nool yihiin Wadamada soo koraya. The post Qaar ka mid ah dadka Naafada ah Oo dalbaday in la Caawiyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites