Sign in to follow this  
Deeq A.

Qeybti labaad:Abiy Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki u Gorbachev ku burburiyey Soviet Union ? Ruushka iyo Ethiopia waxey wadaagaan sifooyin badan

Recommended Posts

Deeq A.   
 ( Qeybti labaad ):Abiy Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki u Gorbachev ku burburiyey Soviey Union ? Rushku iyo Ethiopia waxey wadaagaan sifooyin badan

Haddaba markey bannaan baxyadi iyo qalalaasihi joogsan waayen aya 16 october, 2016 dalka lagu soo rogey xaalad deg dega, taaso sababtey in isgaadhsiinta, internetka, kulamada dadka iyo warbaahinta aad loo kontroolo dad badan na xabsiga loo taxaabo. Hasa yeeshey, kacdoonki shacbiga labada qawmiyadood Oromo iyo Amxaaro marna mu joogsan, waxaaney geyeysiisey dalka khasaare nafeed, dhaqaale, ammaan darro iyo sumcad xumo. Waxaana cambaareeyey xadgudubyada bani’aadamnimo dawladaha reer galbeed iyo hay’adaha ququuq al iinsaan ee adduunka. Haddaba markey xaaladdu halkaas mareyso ayey ka fursan weydey innu prime minister Haile Desalegn ku dhawaaqo 21 feb, 2018 innu iska casiley prime ministernimadi iyo guddoominimadi xisbiga isago qirey in loo bahan yahey hoggaan cusub oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka jira, ilaa inta xisbigu cid u dooranayana u sii heyn doono labada xil. Waxaana loo doortey mudane Abyi Ahmed, prime minister iyo guddoomiyaha xisbiga EPRDF 2 April, 2018.
Mudane Abi Axmed wuxu markiba ku talaabsadey isbedel balaadhan oo xawli ku socda oo saameyn weyn ku yeeshey
Ethoipia Iyo geeska Afrika muddada gaban ee ka soo wareegtey marki xukunka dawladda Ethiopia loo caleemo saarey April 2018.
Wuxu la heshiyey Eriteria isago 5 June, 2018 aqbaley go’aanki ka soo baxey shirki nabadeynta Algiers ee xabad joojinta (Algiers Peace Accord ) iyo go’aanki 2002 ay diidaneyd Ethiopia ee ay soo saartey guddida xadeynta xuduudaha Ethiopia iyo Eriteria ( Ethiopia Eriteria Boundary Commission ) ee Jamciyadda quruumaha u xil saartey oo go’aamisey in mandaqadda BADME iyo dhawr goobood oo kale ay ledahey dawladda Eriteria, Ethiopiana ay waajib ku tahey iney ciidamadeeda iyo maamulkeeda ba kala baxdo. ( Xigasho, Abraham T Zere, Aljazeera ).
Wuxu soo celiyey xidhiidhki diblumaasi, ganacsi iyo isu socodka ( dhul iyo cir ) labada shacab ee kala xidhna labaatanka sanadood ( 1998—2018 ) iwm.
Wuxu cafis u fidiyey kumanaan maxaabis ah oo fikirkooda u xidhna iyo jabhado iyo ururo siyaasi ah oo maamulki hore ku tilmaamy argagixiso sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7
Wuxu isbedel balaadhan ku sameeyey hay’adihi amniga, garsoorka, ciidamada iyo madaxdi goboladda oo qaar kood xabsiga loo taxaabey iyago lagu eedeyey xadgudubyo xuquuda bani’aadamnimo.
Wuxu dhisey dawlad kooban ( labaatan wasiir, toban dumar iyo toban rag ah ). Waxaanu wasaarado muhim ah siiyey qowmiyadaha aan ku jirin EPRDF sida Somalida oo u siiyey maaliyadda iyo Cafarta oo u siiyey gaashaandhiga.
Wuxu ka dhex bilaabey dib u heshisiin dawladdaha geeska afrika ee colaaduhu u dhexeyeen sida Somalia iyo Eritrea , Djibouti iyo Eritrea iwm…

Wuxu hoos u dhigey colaaddi wabiga Nile ka ee u dhexeysey Ethiopia Masar Sudan ( waxa hakad galey mashruci weyna ee Daamka ( Grand Ethiopia Renaissance Dam )
Wuxu xoojiyey xidhiidhki ka dhexey Ethiopia iyo Marykanka- Europe iyo Carabta khaliijka ee hodanka ku ah shidaalka, dawladahaaso la tuhusan yahey iney ka dambeyaan siyaasadihisan cusub oo ka mid noqonaysa ka hortagga is balaadhinta dhaaqle iyo military ee China taaso ka duwan siyaasaddi hore ee isku dheeli tiraaysey reer galbeedka iyo xooggaga cusub ee dhaqaale sida India, Turkiga, South Afrika ( guud Afrika ), Brazil, China iyo iwm

Haddaba waxeynu qireyna innu mudane raisal wasaare Abiy Ahmed ilaa hadda ay si habsami ah u socdaan talaabooyinka u qaadey ee kor ku xusan laakin imtixaan ka weyni wuxu imanaya marka axsaabta la furo oo doorashooyinka loo diyaar garoobaayo. Waayo, waxeynu wada oggsoonahey in Ethiopia aaney hore uga dhicin doorashooyin dimoqraadi ah oo xor oo xalaal ah, waayo arag la’aantaso warwarkeeda leh madaama shcabka Ethiopia u qeybsan yahey qawmiyado khilaaf ba’aan oo xuduudeed iyo xurgufo siyaasadeed oo gaamurtey ka dhexeeyaan. Qawmiyadaha laftoodu waxey u qebsan yihiin qabaa’il dhexdooda iska soo horjeeda iyo mandaqado dano kala duwan leh.Taaso u dheer tahey waayo arag la’aanta xukuumadda, jabhadaha muddo dheer halgan hubaysan ku jire oo tacadiyo ka tirsanaya guud ahaan EPRDF gaar ahaan hayadaha amniga ee u saraakisheeda sare ka mid aha Ahmed Abiy. Waxa xusid mudan in Axmed Abiy u ururka OLF kala kulmi doono tartan adag qawmiyadda Oromia dhexdeeda ee u ka soo jeedo madaama shacabka Oromia ay taageera xoog leh u hayaan ururka OLF iyago qadarinaya halganka dheer ee adag ee naf iyo maal ba u hureen si ay xuquuqda iyo kramada shacabkooda u badbaadiyaan. Waxa marag ma doon u ah taageerada xoogga leh ee ay shacabka Oromia u hayaan madaxda OLF sida xoog leh ee qiraysan ee ay ugu soo baxeen markey ka soo degeen Airporka Addisa baba.
Eng Bashe C Gaboobe
Email: gaboobe _3@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this