Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Shirkii Ganacsi Ee Uu Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Uu Iskugu Soo Jiidayay Nairobi Iyo Hargeysa, Maxaase Ka Soo Baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa jimcihii Doraad Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa.

morgan.jpg

Shirkan waxa soo qaban qaabiyay Safiirka Xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya Baashe Cawil. Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay u shaacisay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirkaasi ganacsi ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland, waxaanay arintaasi isku badeshay waji kale.

Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo Masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Dalka Kenya James Meru oo isagu shirkaasi ka soo qayb galay islamarkaana hadal ka jeediyay.

Wasiirada ka socday Xukuumadda Somaliland ee Hargeysa ka tagay oo kala ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay Maalgashadaan Wadanka Somaliland oo ay ganacsigooda soo gaadhsiiyaan. Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland iyo heerka uu marayo.

Dawladda Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal Madax bannaan oo kale loola macaamilo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujiyay xaalad taasi ka duwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this