Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar Oo Nus Qarni Kadib Ka Baxeysa Ururka OPEC

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Qatar ayaa maanta oo isniin ah sheegay iney isaga baxayaan ururka dalalka shidaalka soo saara ee OPEC, maalmo kadib kulan dhex maray shirkadda iyo xulafadeeda.

Isaga oo shir jaraa’id ka hadlayey wasiirka tamarka Qatar Sacad al-Kaabi  ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doonno OPEC  January 1, 2019, taasi oo soo afjareysa urur ay xubin ka ahaayeen nus qarni.

Sababta waxaa ay Qatar ku sheegtay si ay u wanaajiso kaalinteeda iyo istaraatiijijad ku saabsan dib u habeyn oo muddo dheer ah.

Qatar inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu yar xagga wax soo saarka shidaalka marka la barbardhigo Sacuudiga, waxaa ay kaalinta 1aad uga jirtaa wax soo saarka gaaska dabiiciga ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this