Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka Tirsanaa NISA oo Cabasho uu muujiyay darteed ku waayay Shaqadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsanaa ciidamada NISA dhaawac daranna uu kasoo gaaray weerarkii Sanad ka hor ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2, ayaa waayay shaqadiisa kadib cabasho uu muujiyay.

Askarigaan oo magaciisa ku koobay Nuur Samawade, ayaa sheegay in dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Naasa Hablood 2, Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay.

Dhaawaciisa ayaa la geeyay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho, laakiin waxay siiyeen daawooyin kaalmaati ah, Maadaama sida uu sheegay lagu wargeliyay inaan dalka dhaawacyadiisa qaar wax looga qaban karin.

Kadib Wareysi uu bixiyay oo uu kaga hadlayay xaaladiisa caafimaad ayuu ku dalbaday inaan la dayacin xaaladiisa, isaga oo ka dalbaday hay’ada ay quseyso inay wax u qabato, maadaama sida uu sheegay uu kasoo baxay waajibaadkii saarnaa.

Maalmo kadib ayuu markale kasoo muuqday warbaahinta isaga oo sheegay in cabashadiisii ay sababtay in laga qaado ID-Card kii Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, laguna wargeliyo in shaqada laga ruqseeyay.

Waa Niyad Jab iyo dhibato kale oo ciidamada ay la kulmaan marka ay ka dhamaadaan gudashada waajibadka saaran ayuu yiri Nuur Samawade “Marka aan caafimaad qabay waa la ii baahnaa, hadda oo aan dhaawacmayna waa lay tuuray”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ma jiro jawaab dowladda iyo hay’adaha ay quseyso ay siiyeen Samawade, balse waxaa jawaab looga dhigay in shaqada laga joojiyay isaga oo dhaawac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this