Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka M/ Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Sh/ Dhexe ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka M/ Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso laba Maleeshiyo Beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen arrintaasi, si looga hortago sii socoshada colaadaasi.

C/laahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee G/ Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidamo ay u direen deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in Odayaasha labada dhinac ay soo dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cabdi-Qani-.mp3

The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka M/ Jowhar appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this