Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sheegay in dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray.

Ugu horreyn hay’adda ayaa shaacisay in ay aad uga xun tahay mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixisay arrintaasi.

Sidoo kale war ka soo baxay Hay’adan ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa xarumo ka furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin.

The post DFS Oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this