Sign in to follow this  
Deeq A.

Talyaaniga Oo Al Shabaab Wadahadal La Galaya Iyo Kenya Oo Awood Adeegsaneysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SL-T Nairobi)-Dowlada Tallyaaniga ayaa bilowday inay wadahadal la gasho xubno la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin oo Kenya kasoo afduubay haweenay u dhalatay dalkaasi, sida warbaahinta Kenya ay baahisay.

Al Shabaab ayaa 20-Kii Bishii lasoo dhaafay  deegaanka Chakama kasoo afduubay haweeney lagu magacaabo Silvia Romano oo udhalatay dalka Talyaaniga, waxaana la rumeysan inay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadka Afduubay haweeneyda, balse dowladda Talyaaniga ayaa dooneysa in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, taasina ay sabab u tahay wadahadal ay la bilowday kooxda Al Shabaab oo afduubta ka dambeysay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay ay la aadeen haweeneyda deegaanka Booni ee Keynta ah, waxaana socda baaritaanka lagu badbaadinayo haweeneyda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this