Sign in to follow this  
Deeq A.

”Farriimo Uu Ku Direy Whatsapp Khashoggi Ayaa Cadeyn U Noqon Karta Dilkiisa…” Warbixin Ay Daabacday CNN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Warbixin ay daabacday CNN ayaa lagu sheegay in fariimo ay isku weydaarsadeen WhatsApp Khashoggi iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool dalka Canada inay iftiimin karaan dilka weriye Khashoggi.

Kashoggi-696x391.jpg
CNN oo heshay illaa afar boqol oo farriimo oo ay is weydaarsadeen Cumar iyo Khashoggi ayuu mid ka mid ah fariimahaas waxa uu weriyaha la diley ee Khashoggi ku tilmaamay dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah.

“Xariga waa mid aan loo meel dayin,waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno,lamana yaabayo in cadaadiska uu gaaro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa ka mid ahayd farriimaha uu direy Khashoggi.

Farriimahan oo uu Cumar Cabdulcaziz tusay CNN ayaa waxaa ka mid ah codad,sawiro iyo muuqaalo iyadoo qoraaladuna ay kashifayaan in labadooda ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo aalada internetka ku shaqeeya.

Cumar Cabdulcaziz ayaa aaminsan in fariimaha ay is weydaarsanayeen dhexda loo galay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ogaatay bishii August taasna ay u fududeysay shirkad laga leeyahay Israel.

Cumar ayaa doonaya hadda in uu dacwad sharciga ah la tiigsado shirkada sameysay aalad lagu jabsaday taleefankiisa.

“Jabsiga mobaylkeyga ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la dilo Khashoggi.”ayuu CNN u sheegay Cumar Cabdulcaziz.

Abdulaziz ayaa bilaabay inuu ka soo horjeesto isagoo arday ah kuna sugan dalka Canada,waxana ay boqortoyada Sacudiga ay kala laabatay deeq waxbarasho oo ay hore u siisay balse waxaa u oggolaaday in uu waxbarashadiisa sii wato dowlada Canada iyadoo saddex sano kadibna siisay magangalyo uu ugu noolaan karo dalka Canada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this