Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Masar Oo Soomaaliya U Direysa Khubaro Sahaminaya Kaydadka Shidaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala ayaa shaaca ka qaaday inay Khubaro u soo diri doonaa dalka Soomaaliya, si ay sahmin ugu sameeyaan Kaydadka Shidaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan Soo-saarka Shidaalka.

W.-BATROOLKA-EE-MASAR-IYO-SOMALIA-750x43

Wasiir Daariq Al-mala waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya, Md. C/rashiid Maxamed oo maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Wasiir C/rashiid Maxamed oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ka codsaday dhigiisa dalka Masar inay Somalia u soo diraan Khubaro gacan ka geysta Sahminta iyo Soo-saarista Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Somalia leedahay xeebta ugu dheer ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay ku jiraan Kaydadka dihan oo Shidaaal iyo Gaaska Dabiiciga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this