Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabdho Soomaali Walaalo Ah Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ohio)-Saraakiisha Booliiska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa baadhitaan ku wada sababta ka danbeysay gaadhiga labo gabdhood oo walaalo ahaa oo shil baabuur ku geeriyooday habeenkii Axad ee todobaadkan.

2018123636793932141756913c62fe88e-3c57-4

Labada gabdhood ayaa lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed, waxaa sidoo kale shilka uu dhaawac ka soo gaaray Amina Maxamed oo ay walaalo ahaayeen hablaha geeriyooday.
Baaritaan hor dhac ah oo ay saareen saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya in gabdhahan uu shilka ku dhacay kaddib markii gaarigooda oo xowli sare ku socday uu ku dhacay gaari kale.

Saddexda Gabdhood ayaa la sheegay in ay ka soo laabteen booqasho ay ugu tageen dad ay asxaab ahaayeen waxaana waqtiga uu shilkan ku dhacay ay ku soo socdeen gurigooda.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.

Dhawaan ayeey aheyd markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this