Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Casiis Lafta-gareen wuxuu xaqiijiyey in tuhunkii laga qabay uu run yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa ugu cad cad doraashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Cabdicasiis Laftagareen ayaa wareysi ku xaqiijiyey tuhunkii laga qabay ee ahaa in uu gacan saar la leeyahay Xukumadda Federal-ka ah.

Sir ma ahayn, Laftagareen waxa uu ku caan baxay shaabadda ah ‘Dowladda ayaa wadata!” taas oo uu ku lumiyey shacabka Koonfur Galbeed intooda badan.

Hase ahaatee, wareysigii uu shalay bixiyey mala oran karaa, wixii awal tuhun ahaa isagaa turxaan bixiyey?

Waxa uu yiri, “Doorashada waa soo dhawdahay haddii doorasho la galaanaya dad badan oo waxaa iska jira nin walba waxa uu rabo sheegaya, maanta waxa loo baahanyahay oo wax dooranaya waa xildhibaanada Koonfur Galbeed ma aha xildhibaanada Federal-ka ah. Xidhibaanada Federal-ka ah ee Colleague-geyga ah waa mahadsanyihiin shaqadoodii waa soo qabteen, madaxweyney doorteen, gudoomiye baarlamaan ay doorteen, ku xigeen ay doorteen, ku xigeynno ayey doorteen, wixii wajibaadkooda ah oo shaqadooda ah wey haystaan, crisis-kii iyo buuqii ka jiray Xamar waxaan ka codsanayaa in aysan noo soo rarin oo inta ay noo keenin”

Wuxuu intaas ku daray “Ma hayn karno anaga culeys iyo khilaaf maxay eheedey dhibaato waa mahadsanyihiin, media iyo idaacado waxa ay yaalaan Xamar waxa ay xildhibaan u yihiin Xamar, haka hadleen, xuquuqdii naga maqneyd hanoo raadiyaan, hanoo warsadeen wixii aan u baahneyn hanoo weydiiyeen, laakiin iyaguu na agfadhiya, oo dowlad ka tirsan in ay na dhahaan dowlad ayaa nagu soo duushay qabiil ayaa nagu soo duulay masiiba dhaceyso 91-kii qaxayaa waa idinku galiniin masiibo ma rabno ilaahay ayaan ka magangalnay idinkana ilaahay imaanka ha’idinku sugo dalkiina iyo dadkiina u shaqeeya, baarlamaanka shaqaa utaalo, waxaa laga hadlaayaa 100 ajendo ayaa taalo oo horumarka dalka ah ka qeyb qaata oo hormarka ay reer Koonfur Galbeed idiin xilsaarteen aada ninkii musharax ah oo sidoo kale xildhbaan ah ha yimaado hala doorto ha shaqeeo. Ninkii nin taageeraayo wey furan tahay waa la taageeri karaa, laakiin yaan lagu taageerin taageero ma noqoneyso in habeen iyo maalin idaacad laga qeyliyo”.

Wareysigan uu afka ku furtay waxaa laga dhadhansan karaa in ay soo kartay daacadda laga faafiyey ee ku saabsan in ay dowladda riixeyso isaga oo hadda u muuqda mid leh “Waa la’I wataayee, tartama oo iga adkaada, warka bandanna daaya!”

Daacadda laga faafiyey Cabdicasiis Laftagareen waxa ay taageero badan u sameysay ku xigeenkii hore ee Al- Shabaab Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo ay bulshada Soomaaliyeed aad uga walaacsan yihiin musharaxnimadiisa.

Hase, ahaatee, ra’yi caamka bulshada Koonfur Galbeed waxaa hubaal ah in ay taageersan yihiin Roobow.

W/Q: Xasan Aadan Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this