Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababar loosoo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzania.

Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

The post Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababar loosoo xiray appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this