Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo galabnimaddii maanta oo Axad ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degmada Xamar-wayne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Xoogi Jaamac, oo ahaa Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, islamarkaana gaariga waday, ayaa ku geeryooday.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo meesha uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo isku socodka saacado hakad geliyay.

Xukuumada Soomaaliya kama aysan hadlin sidoo kale qaraxaan iyo masuulka la tilmaamay in lagu dilay.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee bishaan December ka dhaca magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu ahaa maalmihii aynu kasoo gudubnay mid ay si wayn usugayeen ciidaamda dowladda.

The post Khasaaro ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this