Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shabaab oo soo bandhigay ciidamo “kasoo goostay dowlada Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Marko (Caasimada Online) – Askar kasoo goostay DF ayaa isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo lagu soo bandhigay gobolka Sh/Hoose.

Askartan oo labo ah ayaa waxa ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood, waxaana ay lasoo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen sidda ay sheegeen Shabaab.

Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidankaan ay kasoo xanaaqeen Ciidamada ka socda ee dalalka Afrika ee ku sugan Soomaaliya sidda loo tixgaliyo in aan iyaga loo tixgalin.

Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ayaanan weli ka hadlin Askartaan la sheegay in Maamulkooda ay ka goosteen ee Shabaabka isku dhiibay.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay ragaan sheegeen in qudhoodu ay qeyb ka ahaayeen dhaca iyagoo si gaar ah u qirtay iney dheceen maandooriyaha loo yaqaano Qaadka, balse aysan ku lug lahaan kiisas kale.

6.jpg photo_2018-12-02_08-58-48.jpg 4.jpg photo_2018-12-02_08-58-20.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this