Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kuu qorshaysnaa marka aad madaxa doonaysay?

Recommended Posts

Deeq A.   

MAXAA KUU QORSHAYSNAA MARKAAD MADAXA DOONAYSAY?

Bulshada somaliland gobolkasta oo ay joogaan waa dad gob ah oo marti soorka yaqaana iyo sida loo sooryeeyo cida markaa ku soo biirta ama soo booqata, safarkii madaxwayne muuse biixi cabdi gobolkasta waa lagu soo dhoweeyay si sharaf leh, laakiin nasiib daro madaxwaynu madal qudha kuma sharaxin qorshaa horumarineed ee qaranku rabo in uu gaadho, mikirifoon kasta (microphone) oo uu qabsado ama ka hadlo wuxuu dirayay fariin dalka debediisa qusaysa iyo digniino is wata.

Dhisida mooraalka bulshada, midnimada dalka iyo wax wada qabsigu waa baahida u wayne ee qaranku qabo , dhalinyaro wax baratay oo bilaa camal mudo dheer ahaa oo rajada qudha ee ay qabaan ahayd beri baa maanta dhaami, isla markaana yididiilo ku noolaa hadii aad rajadooda xoojin waydo isla markaana tusi waydo in wixii ay rajaynayeen dhowaan rumoobi doono soow ayaan daro maaha!!.

Sadex hab ayaa qofka in uu madax noqdo sababa ama hugaamiye a)_ in uu derso oo baadho duruufaha adag ee dalkiisa iyo dadkiisa haysta kadibna uu qaato go,aan uu rabo in uu ku samato saaro sidaa awgeed uu raadiyo mansab iyo xil uu wax ugu qaban karo.
b)_ nin raba magac iyo maal isla markaana werwer uu nolosha ka qabo awgeed ku xisaabtama qudha sida uu maalka shacabka gacanta ugu qaban lahaa magacna ugu yeelan lahaa.
c)_ qofka sadexaad waa nin aan han iyo himilo toona lahayn iyo weliba qorshe toona balse awooda alle iyo qoraal ku yimid jagad hugaamiye ( iyadoo nin kasta alle u qoray) .
Hadaba sadexdaa miduu yahay muuse shacabkaa ka jawaabi doona iyo taariikhda socota.

Ugu danbayn waxaan madaxwaynaha u soo jeedin lahaa in uu isku xeero ama masuuliyiinta uu xilka u igmanayaa ay noqdaan kuwo aqoon ku biirin kara kana caawin kara qorshayaal heer qaran ah .

W/Qoray : Kayse Abdullahi Dhisaaye

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this