Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degamda Xamar-wayne ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay Qarax ka dhashay gaari, galabnimada Axada maanta ah.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay idaacadda Shabelle ee in qaraxa uu ku geeryooday hal ruux, kaasi oo ahaa darawalka gaariga qarxay.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen gaarey ayaa bilaabay baaritaano, iyaga oo xariy jidka.

Lama ogga illaa iyo haatan waxa uu yahay qofka gaariga saarnaa ee la sheegay inuu ku dhintay, xili ay la wareegeen meydkiisa ciidamada dowladda.

Ma jirto, sidoo kale, koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada dalka uu mudooyinkii dambe ahaa mid liitay.

Wixii kusoo kordha qaraxaan, kala soco radioshabelle.com

The post DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this