Deeq A. Posted December 2, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degamda Xamar-wayne ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay Qarax ka dhashay gaari, galabnimada Axada maanta ah. Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay idaacadda Shabelle ee in qaraxa uu ku geeryooday hal ruux, kaasi oo ahaa darawalka gaariga qarxay. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen gaarey ayaa bilaabay baaritaano, iyaga oo xariy jidka. Lama ogga illaa iyo haatan waxa uu yahay qofka gaariga saarnaa ee la sheegay inuu ku dhintay, xili ay la wareegeen meydkiisa ciidamada dowladda. Ma jirto, sidoo kale, koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada dalka uu mudooyinkii dambe ahaa mid liitay. Wixii kusoo kordha qaraxaan, kala soco radioshabelle.com The post DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites