Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudane Madaxweyne Xilka Cabdiqadir Dhagaweyne Ma Kaligii Baad Abaal Marin u Siisay Mise Waa Xil Uu Abokor Muuse u Hayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Haddii uu yahay xil aad kalidii ku abaal marisay waa gar iyo daw inuu afka taago oo uu u dudo reerka uu ka soo jeedo.

0C71AB24-ACB5-48A3-B151-06D2D7CE0478.png

Markuu xaalku sidaa yahay reerka intiisa kale waxa u furan inay wixii mansab ah u doontaan madaxweynaha qaranka.

Laakin xilka uu hayaa haddii uu yahay xil reereed ma qabato reerka inuu afka u wada taago isaga oo leh wasiirnimadeydii ayaad kala dhantaasheen oo aniga ayaad i wada xumaynayseen oo waliba uu isagu haya xilka qudha ee reerku ka helay Xukuumadda.

Ilaah baan idinku dhaariyee saw deelqaaf iyo kibir maaha inuu dudis & cadho ku sii darsadaa!!!!????.

justify;”> Waliba ku darsoo wax aan cadayn lahayni iga hadhan.

Taa Intaa hadaan kaga hadho waxaan iyana wax yar ka iftiiminayaa.

“Halkii uu sallaanka siyaasadda ka soo fuulay mudane Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh (Dhagaweyne)”.

Markii uu iska casilay mudane Cabdikarim Axmed Mooge xilkii wasiir ku xigeenimo ayaa xukuumaddii siiraanyo u magacaw-day booskiisii cabdiqadir dhagaweyne oo isna kaga jawaabay magacaabistaa diid-mo qayaxan isagoo cad quudheed u arkay qaadashada xilkii inaadeerkii iska casilay.

Xiligaa oo uu kas-baday quluubta badi reerka iyo intii ku soo hiranaysay magaca abokor.

Aniga iyo Axmed Faarax (Shimbir). Ayaa abaabul-nay shir aanu kaga fal-celinayno kuna muujinayno dareeenkayaga aanu ku ayidayno go’aanka diidmada ah ee uu ku talaabsaday cabdiqadir dhagaweyne.

Xiligaa waxa reerka ciidagale ku matalayay masuuliyiinta Xukuumadda ugu jira kud-lad isku xidhan oo uu hor kaco Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse).

Kuwaas oo filinka ku jilayay magac la yidhaahdo (Reer Mataan oo xiligaa shaqaynayay) oo ula jeedka u weynina ahaa sidii uu cukuse ku sii haysan lahaa mansabka wasiirnimo, iyada oo ay la shaqaynayeen niman dhalinyaro ah Kuwaas oo ay u ahayd shaqo ay qabtaan tii u horeysay oo wax kaliyo kuma garatide isu noqonayay libaax iyo dhalihiisii oo waliba u tababaran jilista filinkii xiligaa shaqaynayay oo ahaa Reer Mataan & Abokor Muuse oo laysku xudho-xudheeyo.

Ninkaa iyo dhalihiisii yaryaraa ee u tababarnaa xumaanta reeraha dhexdooda oo uu saacidayo Maxamuud Xaashi (Wasiirka madaxtoyada) oo isna xumaanta & jindagaageynta aabo ugu ahaa ayaa waxay ka xidheen Iriddii ay ka gali-lahaayeen Xukuumadda (Abokor Muuse). Iyagoo u diiday haba yaraatee wax jaanisa oo xil loogu magacaabo reerka aan kor ku xusey.

Markay halkaa maraysay ayaa waxaan ka fikirey cidii jabin lahayd deyrka baar-liin ee uu Engineer-ka ka ahaa Cukuse.

Waxaan shaki la’aan isku qanciyay ninka jabin kara deyrka baar-liin inuu yahay gudomiyaha xisbiga cadaaladda & daryeelka Eng. Faysal Cali Waraabe oo Xukuumadda dhegeheedu u furnaayeen maqalkiisa.

Anigoo markaa haysta kalsoonida masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiga Ucid ayaan si kalsooni ku jirto u garaacay albaabka Eng. Faysal Cali Waraabe oo aan rumaysanahay inuu yahay ninka qudha ee kud-laddaa xumaanta ku heshiisay naga ridi kara. Ayaan u gudbiyay fariin ahayd mudane gudomiye reerkii la odhan jirey Abokor Muuse maanta dhamaan bacadka ayay taagan-yihiin oo xukuumadda kama hayaan xil qudha oo digreeto Madaxweyne ku magacaaban. Haddii tuhun kaaga jirey Inanka aanu abtiga u nahay (muuse biixi oo xiliga ahaa gudomiyaha ah-na musharaxa Xisbiga Kulmiye). Hanagu halayn waayo isaga qudhiisa ayaa geed uu qabsado la’ kolkaa laba qaawani isma qaadee gudomiye fadhiga ka kac oo reerka xil u doon.

Arintaas oo adigana ku noqon doonta fursad dahabiya & abaal aan duugoobin mudane gudomiye.

Ee orod oo kac oo fadlan xukuumadda xil nooga doon oo waliba waxaad xilka noogu doonta mudane cabdiqadir dhagaweyne.

Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye xiliga aan hawshaa ku jirey cidii wax ila wadday la’aantood-na aanay waxba suuragaleen hubaashii waxay ahaayeen odayaashan hoos ku xusan :

Yuusuf Kayse Cabdilaahi (xoghayaha warfaafinta Xisbiga Ucid),

Eng. Faysal Cadami (Reer Sweden)

Xusseen Cabdi Nuur (Reer UK) &

Maxamuud A. Caraale (Reer UK).

Nimankaa oo ila rumeeyay ilana hirgaliyay doonisteydii & baryadii aan ula tagay reer Ucid ilaahay mahaddiina way suuragashay digreetadii aan wakhtiga & tacabka badan galiyay.

Waxaana la magacaabay mudane Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh (dhagaweyne) oo loo magacaabay wasiiru dawlaha Wasaaradda biyaha & khayraadka.

Waxa gacantiisa iigu keenay warqaddii digreetada Eng. Faysal Cali Waraabe.

Halkaa ayuu cabdiqaadir dhagaweyne ka soo fuulay sallaanka siyaasadda ee uu maanta ku yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda.

Anigu shakhsiyan waan u ogahay waanan u hayaa abaalkeeda gudomiyaha xisbiga cadaaladda & daryeelka Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe & madaxda aan kor ku soo xusay magacyadooda kana tirsan masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga Ucid.

Waana nimanka nooga hiiliyay marraa waaxid haaway-dii dhulka carabka marisay & dir xunkii uu aabaha u ahaa doofaarkii xumaan oo dhan u saaxiibka ahaa waa Maxamuud Xaashi Cabdiye kuna magaca dheeraa ilaahay naarta hagu fogeeyee.

Xiligaa cidda aanu ku hirdamaynay magacaabista cabdiqaadir dhagaweyne waxay ahaayeen xil. cabdiraxmaan dheere & Maxamed Iid oo aanu midkood-na raali ka ahayn magacaabistiisa.

Iyadoo halkaa maraysa ayaa la gudo galay kaambeynkii ololaha doorashada madaxtooyada wixii ka dhacay baa ka dhacay.

Waxaan ku soo af-meerayaa beydad ka mida maansadii sac-bul ee abwaan Cali Seenyo.

¤. Saymaha collaadeed hashii, rag isku seeraaray

¤. Sumuciyo rasaastiyo hashii, suuga lagu qaadey

¤. Sambabada hashii aawadeed, soodhku dalamleeyey

¤. Sararaha hashii lagaga jabay, dhiig-na lagu saantay

¤. Soobirada hashii lugu axmay , ee saaqid lagu toogtay

¤. Saajaca magiigani hashuu, sulub ku raacdeeyey

¤. Saryankiyo, libaaxiyo hashaan, saayo ka illaashay

¤. Sur-sur adag hashii lagu dhacsaday, sallowga maadhiinka

¤. Waxay soomal haadaba, markaan sabada soo joojey

¤. Seeraha markii aan ku furey, saaca dhiniciisa

¤. Saarkiyo markay dhawr habeen, soonahdii guratay

¤. Sarcanyaha markii ay candhada, gaax ka socon wayday

¤. Sa’dadii markay soo gashee, saxalki waydaartay

¤. Inuu sebenki nagu soo noqdaa, waa saboolnimo’e

¤. Afar saan caddaalaa la yidhi, huge samaantiiye

¤. Subagaan filaaya la yidhi, saacuf buu dhalaye

¤. Waa sulaaqan yahay baa la yidhi, sixinkii Caarow’e

¤. Sunbaa loogu daray baa la yidhi, sebiga caaniiye

¤. Silic bay ku nooshaa la yidhi, saaka maataduye

¤. Sambabkii ku faaf baa la yidhi, sadhadi beelaaye

¤. Salli qudha dadkii wada fadhiyay, saydhan baahida’e

¤. Saantii aboor baa ku baxay, shacabku saarnaaye

¤. Si, qudhaan wax loo wada arkayn, seeska nololeede

¤. Maantana sabeentii barroow, sumal-xad weeyaane

¤. Sawir iima goyn wiilashaan , soofka raac-sadaye

¤. Sacbul waxay yidhaahdeen, dadkii saaray heegada’e

¤. Isha saxarku dhaco teeda kale, way u sirirtaaye.

Allaa Mahad Leh.

W/Q : Garyaqaan Kayse Koosaar.

fffarduus@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this