Sign in to follow this  
Deeq A.

Isma Eegto Naag Xumi Halkay Iin Ku Leedahaye ( Abdi-shotaly

Recommended Posts

Deeq A.   

Cajebiyo cajiibay, cajabiyo la yaabeey, caawana asakriggii, yuu ku canaanaya ceeb-tiisa ma cabaad ayuu ka wadhay, iyo in uu dadka meel kale is yidhaaho u jeedi, isaga oo dhex fadhiya dhooqo wasakh ah. Akhristaw, nin baa beri ay abaar xumi dhacday, inta uu adhi-giisii wixii dhaqadha-qaayey ku dhex dhacay, buu tii markaa ugu sidatay, ee uu is lahaa, malaha wax bay kuu goyn, buu xadhig ku soo xidhay, si uu u geeyo seyladda, oo reer-kiisa baahiddii ka jirto ay wax uga tarto, laakiin-se nasiib darro, masaafaddii kala badhaysa tuuladda iyo guriggii uu ka soo gexeeyey oo dhexe, dhinac-na

BB986397-1556-4002-B39B-4AA420DBC2C5.jpe

aanu u dhawayen, bay u socon wayday, dabeed wuxu arkay in aanu gaadhsiin karin halkii uu ku waday, kuna celin karin hexraddii uu ka keenay, intii uu kolba jiid-jiidaayey, bay xadhiggii uu u geliyey madaxa ay ku bakhtiday, ilayn maskax xumi-diisa weeyee, kama uu ferkrin-ba markii hore meesha aad u wado, tolaw may ku geyn doontaa mise waa maya’e? dabeed waa ka is dul taagay, isagoo naawli-laaya malaha way daashaye, mar dhaw bay kuu soo kici doontaa, marka ay nasato ( Hadda wuxu arkaa in ay bakhtiday) oo ay naftii ka haguugtay, intuu labadda dhaban qabsday buu dul fadhiistay, isaga oo canaana-naaya xadhiggii, oo ku lahaa, wuu ku rooray, oo naqaskii baa ku joog-saday, waxay-se tahay su’aashu yaa xadhiga ku rooriyey? Saw isaga maaha siduu hadba dhinac ugu dhufa-naayey, markii hore-na aan eegin-ba, in ay nabad qab ku tegi doonto seyladuu ku waday, iib-na haba soo hadal qaadine.

Waxa cayn-kaas ka dhigan askarigan , oo Somliland inta uu bakh-tiisatay, albaab walba ka soo beneday, misana cid kale ku eedanayaa, iyadda oo nool baa gacanta laga saaray, ka xdihiga ku rooriyey, ee sidda ninkaa somaliland meyd-keeddii dul fadhiistay, ee is leh way kuu soo noolaan, saw isaga maaha? Ma cid baa la dhishay oo ay eersa-naysaa kale? kii nolosha ugu dhameeyey miyaanu ahayn? ee kala qoqobay, waax-ba gees u xaraashay, muxuu la cabaadayaa hadda, si wacan u xabaal baanu leenahay, bal cidda ay wax kaga daada-nayso. Wuxu yidhi qaasim (IHN) ” Isma eegto naag xumi, halkay iin ku leedahaye, malaa way is moog-tahay, in ay obocdu hoos taalo” Waxan uga socdaa, oo aan leeyahay askariga, horaa Somalidu ugaga maah-maahday, mid sidaas oo kale ah, oo intuu wax dhab-qiyey, hadana rabba in uu iska duwo denibi-giisa, oo uu meel kale farta ugu fiiqo dadka, waxana ay yidhaaheen weligaa-ba bood-bood ama buura sare fuuloo ” Falaadhi gilgi-lasho kaagama go’do”. Bahasah la yidhaaho yeydda, baa waxay somalidu tidhaahaa, iyadda oo ordaysa bay neefka cunis ku dhamaysaa, ilaa uu barbar u dhaco, waa sidaase iyadda oo xoorinaysa baa Mudane Daahir Riyaale ku wareejiyey Kulmiye, ee halkaa yaa akhristaw dhigay? oo iilka ka yar u qoday, diirka kaga saaaray iyadda oo soconaysa, sidda yey-daas aan sare ku carrabaabay? Bal ummad yahay is weydiiya’oo. Ka saaka u hanjebaaya Farmaajo waa askariga’e, saw isagu umuu gawracin, oo maaha kii heesta ku jiray, ee lagu yidhi ” Wanka macasha ii qabo, adigu gawrac ii mari, dhiigana aan muudsado”,asakriga ha loogu dhaarto, in uu isagu seef cunaha ka mariyey somaliland, lax bakhtiday-na uu dul fadhiyo, oo uu ka dul hanjebaayo, inta uu meel kale hadba isku qaadaayo. Loogama iman meel kale, ee isaga baa qayr-keed iyo qayr ku/xigeen-keed-ba ka reebay, markii uu boqnaha jaray, ee ha joojiyo geed sare waabka, iyo jar iska xooridda, aan meel gaadhsiis-nayn.

wuxu u taagan yahay kii yidhi, Ciilaw ba’, carsaan-yadda sideeddii, miyaan gees walbaw cararay? Heesta qaraamiga ah oo la yidhaaho ciil, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa ” Canba-yahaw waxan haadda kaa celiya-ba, waxaan sidda cawsha kuugu ciya-ba, ma haday ku cuneen cadaawuhu” Somaliland siday haatan tahay, nin ku farxa iyo mid ka xun-ba, waxa candhab-laha jaray askariga, rajo u hadhay-na ma jirto, oo waa taas haadda uu u wadhay, wixii laga soo bad-baadiyey faqashtii, saaka markuu ku soo noqday Hargeysa, siddii mid soo xoreeyey Baytul-muqdis, isaga oo ah kii Somaliland ku garaacay gantaalihii Yuhuudda, oo meel u fayoobi subaxaas saakah ah ama maalin-kaas maanta ah aanay jirin, buu doonaa yaa in uu meel kale ku eedeeyo, saw muwaadin kama dhigna tuuggii dharkuu xaday, ee lagu hayo cadayntii iyo siduu u soo qaatay, dafi-raayey, ee yidhi askariggii igu soo qabtay baa xaday ee aniga maaha? Waxan ku soo gunaanaday maqaalkan, Shimbiraha ama baalalaydda marka lagu daro gorayadda, ma duulaan habeenkii, waayo inta badan waxa ugu wacan aragti-doodda, oo hebeenkii aan rabbi ugu talo gelin, in ay sidda xayawaanka kale mugdiga wax ugu arkaan, sidaas awgeed, baqdin bay mid kastaa, geed-keedda ama hogeedda ugu jirtaa, oo soo ma baxaan, waa halka uu ilaah ha u naxariisto’e, uu ka lahaa Xasan Sheekh Muumin ” Inu haad habeern kaco, heehaabo heegadda, hafiyaan dabayluhu, hidihiisa maahee, hadimadda u baaqdee, kala hadashay samadaa, u horseeday halistee” Ujeedo iyo haatan waxan ku soo khatimay, in Somaliland ku damabyso dhimasho geeri iyo mag la’aan ah, waxa u horseeday askarigan, farmaajo wax nama yeelin ee siyaasad xumi-diisa, iyo aqoon-tiisa liidata, rakaab-kiisa bilaa garashadda ah, baa waraabaha u sumaysay Somaliland, kiis iska waala ka mari maayo, oo cid ka dhegaysa-naysaa iskaba yare, halkaa saamaah ha kaga guro, intu meel kale ku faruur xidhan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this