Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Yaa Diidan Isbadalka Dhabta Ah (Qaybtii42aad) By: Maxamed Xoosh

Recommended Posts

Deeq A.   

Siday 82 Xildhibaan Ugu Faraxsan Yihiin Dib u Dhaca Doorashooyinka Iyo Kufitaanka Hanaanka Dimuqraadiyadeed Somaliland Ku Faanto

A1E7FC89-2A37-4B7D-8210-C1155B06433B.jpe

Waxa Jira Kooxo Diidan Isbadal Ka Dhaca Dalka Oo Ku Weynaaday Dawlad La,aan Ama Dawlad Liidata

Waxaa Ka Mid Ah Xisbiyadda Mucaarid Iyo Muxaafid Ma Jecla In Xisbiyo Cusub La Furo Iyagaa halis Ku Jira Inay Hadhaan u Badan Tahay

Koooxaha Ka Ganacsada Tacliinta Iyo Caafimaadka Soo Dhawayn Maayaan Dawlad Dhisata Dugsiya Iyo Dhakhtaro Bilaash Ah Oo Weliba Cashuur Ka Qaada …

Nimanka Dhulka Iyo Guryaha Ka Ganacsadaa Dawlad Adag Dhib Ayay Ku Haysaa Qiimaha Hoos u Dhici Lahaa Dadweyne Badan Ayaa

Iibsan Lahaa Dhul Ay Aqalo Ka Dhistaan ….
Wadaadka Maxkamad Islaamiya Samaystay Ee Dhaxalka Xukuma Marka La Hoos Geeyo Garsoorka Ayaa Loo Yaabaa “Waxay Ogyihiin Dawlad La,aan”

Waxa Iyana Meesha Ku Jirta Ha’yadaha Dawlada “Bureaucracy ga” Oo Gaboobay Ku Dhex Milmay Danaystayaashii Wadanka Hantidiisa Maamusha Iyagana La Laaluusho, Shaqaaluhu Waxay U Baahan Yihiin In La Kordhiyo Aqoontooda Iyo In Loo Kordhiyo Musharka Ay Qaataan

Xukuumadaha Waxa u Yaal Isbadal Balaadhan Oo Qaadan Doona Sanado Faro Badan Oo Dhinac Wal Oo Dawladnimada Taaban Doona Si Loo Helo Dawladii Aanu Rabnay

Dadku Canaanta Ugu Badan Waxay Saarayaan Aduun Weynaha Oo Ay Ku Eedaynayaan Ictiraaf La,aan Iyo Jamhuuriyada Somaliland Oo Buuxisay Shuruudii Laga Rabay Nidaam Dimuqraadi Casri Ah

Ma Jirto Dawlad Aan Isku Talo Galin Oo Horumar Gaadhay Oo Dawarsi Lagu Dhisay Marka Aad Wax Qabsato Ayay Dunidu Ku Soo Eegi Doontaa Waxna Kuugu Dari

Maxamed Xoosh

mxoosh09@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this