Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/ Banaadir Oo ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ololaha isxilqaan oo uu horey u iclaamiyay madaxweynaha jamhuuriyada FS ayaa ah mid looga gon’lee yahay in umuda Soomaaliyeed ay gacmahooda ku dhistaan dalkooda oo kasoo kabanaayo marxalad bur bur ah islamarkaana aan lagu tashanin gacan shisheeye.

Madaxda gobolka Banaadir iyo ururka dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah barnaamijka Isxilqaan ka fuliyay xarunta Tiyaatarka qaranka oo kamid ah xasuusihii astaamaha qaranka waxaana masuuliyiintan iyo dhallinyarada ay si isxilqaan ah ku nadiifinayay xarunta tiyaartarka si loo so celiyo bilicdii iyo heybadii ay xaruntani laheyd birisamaadkii,

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaaran ayaa kawarbixiyay hoosha ay maanta usoo baxeyn,

Xog’hayaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen waxa uu tilmaamay in maamulka gobolka uu taageerayo qorshahan lagu horumarinayo dalka.

Guddoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa kamid aheyd masuuliyiinta goobta ka hadashay,

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) waxa uu sheegay in barnaamijka isxilqaan uu yahay fursad hortaala Ummudda Soomaaliyeed.

The post Maamulka G/ Banaadir Oo ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this