Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Somalia iyo Turkiga Oo xoojinaya xiriirkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Stanbul ( Sh. M. Network )-Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Stanbul ee dalka Turkiga shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkig kaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Bariga Afrika u qaabilsan horumarinta iyo baarista Cilimiga.

Shirka waxaa ka qeybgalay ku xigeenka madaxweynaha Turkiga Fouad Aktay , waxaana Soomaaliya ku matalaya masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo khubaro kala duwan

Shirkan oo socda maalintii labaad waxay kaloo khubarada ka qeyb galaysa kaga hadli doonaan dhowr qodob  oo ay ka mid tahay xiriirka Turkiga iyo Afrika, dhinacayada iskaashiga Tacliinta, in la abuuro jawi saaxibtinimo ee mustaqbalka u horseedaya danaha shucuubta Afrika iyo kan dalka Turkiga  guud ahaan gaar ahaan waxaa shirkaasi diirada lagu saarayaa danaha  ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo ah laba dal oo ay ka dhaxayso saaxibtinimo iyo xiriir wanaagsan.

The post Dowladaha Somalia iyo Turkiga Oo xoojinaya xiriirkooda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this