Sign in to follow this  
Deeq A.

Ololaha doorashada K/ Galbeed Oo si weyn uga socda Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay si weyn uga socda Ololaha doorashada Madaxweynaha maamulka K/ Galbeed Soomaaliya.

Doorashada oo ah mid xiisaasi ah ayaa waxaa ku tartami doona ku dhawaad 10 Musharrax oo daneynaya qabashada xilkaasi.

Musharraxiinta ayaa wada Ololihii ugu dambeeyay , iyaga oo kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi.

Dhinaca kale xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa gudaha M/ Baydhabo, taas oo ku aadan faragalin la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku heyso doorashadaasi.

Qaar ka mid ah siyaayiinta iyo waxgradka ka soo jeeda deegaanada K/ Galbeeed ayaa ka digaya in la masuqmaasuq doorashada maamulkaasi.

19 bishan December ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada, sida uu shalay shaaciyay guddiga qaban qaabada doorashadaasi.

The post Ololaha doorashada K/ Galbeed Oo si weyn uga socda Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this